Joe Biden oo ku guuleystey doorashada madaxtinimada dalka Maraykanka

Joe Biden ayaa la shaaciyay inuu kuguuleystey doorashada dalka Maraykanka kadib markii uu helay illaa 273 codadkii ergooyinka.

Goordhow ayay warbaahinta Maraykanku shaaciyeen warkan iyadoo Biden oo ah 78 jir, uu noqonayo Madaxweynihii ugu da’ada weynaa ee xilkaas ku guuleysta.

Biden ayaa noqonayaa qofkii saddexaad ee ka guuleysta madaxweyne xika haya dalka Maraykanka qarnigan.

Doorashadani waxay ahayd tii ay codbixiyeyaashii ugu tirada badnaa tan iyo sannadkii 1900 u soo dareereen. Biden ayaa ku guulaystay in ka badan 73 milyan oo cod ilaa haatan, taas oo ka dhigan inuu yahay musharaxii madaxweyne ee taariikhda Maraykanka ugu codka badnaa. Trump ayaa isagu helay qiyaastii 70 milyan oo cod, sidaana wuxuu ku gelyaa kaalinta labaad.

Madaxweynaha la doortay Joe Biden ayaa lagu wadaa in uu goordhow taleefishinka kala hadlo shacabka Maraykanka.

Hase yeeshee Donald Trump ayaa xilligii uu soo baxayay warkan waxa uu ku jirey garoon lagu ciyaaro xeegada manajirtoillaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Trump oo hore u sheegay in tirinta codadka ay tahay mid lagu shubtay.

Kamala Harris ayaa noqonaya Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka iyadoo ay tahay haweeneydii ugu horeysay oo xilkaas ka qabata dalka Maraykanka, waana qofkii ugu horeeyay oo ka soo jeeda dadka Madow iyo Aasiya oo derejadaas ka gaara dalka Maraykanka