Ku dhawaaqista Xukunka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo socota

2,274

Iyadoo ay socota ku dhawaaqista xukunka badda ee Maxkamada Caalamiga ah ayaa guddoomiyaha Maxkamada waxa ay sheegtay in maxkamada ay diiday in Kenya iyo Soomaaliya ay horey is-afgarad uga gaareen khilaafka.

Madaxweynaha Maxkamadda oo akhrisay caddeymaha iyo doodda ay soo bandhigeen labada dhinac, ayaa sheegtay in aysan maxkamadda ICJ caddeyn karin in khilaafka labada dhinac uu soo jiray ka hor sannadkii 2009-kii.

Waxay sidoo kale tilmaamtay in Maxkamadda ay diiday sheegashada Kenya ee ah in labada dhinac ay horey u gaareen heshiis is afgarad ah oo ku saabsan muranka xuduudda.