Qarax ka dhacay goor dhow magaalada Muqdisho

913

Qarax xoog leh oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Dugsiga 21-ka October ee magaalada Muqdisho.

Jugta qaraxa oo laga maqlay degmooyin badan oo ka tirsan caasimada ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay balse xilliga uu dhacay qaraxa ayaa ah waqti gaadiid badan ay marayeen goobta uu ka dhacay.