War Deg-deg ah; Shirkii Madaxda Dowlada iyo Dowlad Goboleedyada oo natiijo la’aan ku dhamaaday

Shirkii u dhaxeeyay DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa mar kale la isku mari waayay qodobadii doodda adag ka taagneyd ee ahaa in ajandaha lagu soo daro doorka hey’addaha amniga ee xilliga doorashada, si loo ogaado cida mas’uuliyadda leh.

Shirka maanta ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan, iyadoo lagu balamay in mar kale la isku soo laabto, balse aan waqti la sheegin.

Warar duhurkii soo baxay ayaa sheegayay in heshiis hordhac ah laga gaaray ka qeybgalka furitaanka shirka oo la isla gartay in Madaxweynayashii hore,ra’iisal wasaarayaashii hore iyo guddoomiyaasha Baarlamaanka iyo Aqalka Sare ay ka qeybgalaan.