Weerar lagu qaaday ciidamo marayay duleedka degmada Balcad

Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in weerar gaadmo ah lagu diley duleedka degmada Balcad ciidamo milatari ah.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan toban ka tirsan ciidamada milatarig la diley kadib markii weerar gaadmo ah lagu qaaday baabuur ay la socdeen.

Sidoo kale waxaa la sheegay in weerarkan lagu gubay baabuur nooca dagaalka ah oo u soo gurmaday ciidamadan.

Weerarkan oo ka dhacay meel ku dhow deegaanka Gololey ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee lagu qaado ciidamada milatariga dowlada federalka sanadkan cusub ee 2021.

Wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Balcad ayaa u xirneyd bilihii la soo dhaafay kadib markii fatahaad uu sameeyay wabiga Shaballe.