Warar dheeraad ah oo ka soo baxay qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ah ayaa lala eegtay gaari tikniko ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas lala eegtay Ciidamada dowladda, iyadoo qaraxa uu ka dhacay wadada isku xirta isgoyska Lambar 4 iyo Tarabuunka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen laba askari, halka kuwo kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Qaraxyada wadooyinka la dhinac dhigo ayaa ku soo kordhaya wadooyinka magaalada Muqdisho oo badanaa ah kuwo ciriiri ah oo ay gaadiidku ku badan yihiin.