Warar iskhilaafsan oo ka soo baxaya iskahorimaad saaka ka dhacay Muqdisho

932

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa ka hadlay iskahorimaad hubeysanoo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxa uu afhayeenku sheegay in dagaalka uusan u dhexeyn ciidamo milatari iyo kuwa Boolis ah balse uu ahaa mid dhex maray maleeshiyo hubeysan oo isku haysatay dhul.

“Illaa afar qof ayaa goobta ku dhaawacantay oo ay ka mid yihiin saraakiil booliska Soomaaliyeed ah kuwaas oo dhex gashay malleeshiyaadkii dagaallamayay. Hadda goobta waxaa gacanta ku haya ciidanka booliska wax dhibaato ahna kama jirto”, ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Hase yeeshee sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne oo dagaalka ku lug lahaa ayaa sheegay in uu ahaa dagaal weerar gaadmo ah oo la doonayay in lagu qaarijiyo.

“Weerar gaadmo ah oo la igu dili rabay ayuu ahaa waxa maanta dhacay waxaana soo abaabulay Farxaan Qaroole , Wax muran dhuleed ahna ma jirin waana is difaacay waxii kaa dhaawacana allaah ha u caafiyo”.

Xaalada goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa caadi ku soo noqotay iyadoo isusocodka dadka iyo gaadiidkaba ay dib u bilowdeen.