Wararkii u dambeeyay ee doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya

169

Maanta oo ay taaiiqdu tahay 15ka bisha Janaayo ayaa ku beegan maalinta koowaad afartan berri oo loo qorsheeyay in lagu soo gabagabeeyo doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Illaa 241 xildhibaan ayaa la doonayaa in mudadaan lagu soo doorto iyadoo aysan jirin doorasho maanta ka dhacaysa guud ahaan dalka.
Hase yeeshee magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka bilaabanaya maanta diiwaangelinta shan kursi oo la shaaciyay in toddobaadkan lagu dooranayo magaalada Baydhabo.

Maamul goboleedyada Galmudug,Jubbaland, Koofurgalbeed iyo xildhibaanada gobolada waqooyi ayaa hore u bilaabay oo soo doortay xildhibaano ka mid ah golaha shacabka halka maamulada Hirshabelle,beelaha banaadiriga iyo Puntland aysan weli ka bilaaban doorashada.

Si kasta ha ahaatee guddiga doorashada heer federal ayaa lagu wadaa inay maanta magaalada Muqdisho ku doortaan guddoon cusub ka dib markii dhawaan ay xilka ka qaadeen gudoomiyihii guddigaasi Maxamed Xasan Ciro.

Dowlada Maraykanka ayaa ku hanjabtay inay tallaabo ka qaadi doonto cida ay u aqoonsato inay carqaladeyneso doorashada waxayana ku boorisay dowlada federalka inay soo gabagabeyso doorashada dalka xilliga ay isku raaceen golaha wadatashiga qaran oo ku eg 25 febraayo 2022.

wararkii u dambeeyay ee doorashada golaha shacabka soomaaliya