Wararkii u dambeeyay ee shirka saaka ka furmaya Muqdisho

The latest news from the conference that will open this morning in Mogadishu

Madaxda ka qeyb galeysa shirkaas ayaa bilaabay inay tagaan goobta uu shirka ka furmayo ee ku dhex taal xarunta Afisyooni iyadoo kolonyo galbineysay Madaxweyne Farmaajo ay goordhow gaareen xarunta Afisyooni, sidoo kale Madaxda qaar ka mid ahdowlad Goboleedyada ayaa iyana la filayaa inay tagaan.

Hase yeeshee Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa shaki la gelinayaa ka qeyb galkooda shirka maanta, waxaana la isku hayaa ajandaha shirka.

Dadaalo Beesha Caalamka wadaan oo ku saabsan in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay ayaa rajo xumo laga muujinayaa.

Dhinaca kale waxaa xalay ku shirey madaxtooyada Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Shirkan ayaa ahaa mid talo wadaag ah oo dhinacyada isku aragtida uga arrinsanayeen shirka saaka ka furmaya Teendhada Afisyooni.

Wararka ayaa sheegaya in markii dambe uu shirka gadaal kaga soo biiray Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay inuu si weyn ugu lug leeyahay arrimaha siyaasadda.

Wixii ku soo kordha shirka kala soco Jowhar.com