Wararkii u dambeeyay qaraxa Gaalkacyo iyo Saraakiil ciidan ku geeriyooday

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo goordhow ka dhacay magaalada Gaalkacyo, qeybta Maamulka Galmudug, kaddib markii qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay afaafka hore ee garoonka Cabdullaahi Ciise oo lagu soo dhoweynayay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku geeriyoodeen saraakiil ciidan iyo askar ku sugneyd garoonka, xilli uu socday sugida amniga.

Saraakiisha ku dhintay qaraxa ayaa waxaa ka mid ah Taliyihii Qeybta 21aad ee Ciidanka xoogga dalka, Taliyaha Ciidanka Danab, kuxigeenkiisa iyo duqii hore magaalada Gaalkacyo.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid kacsan, waxaa jahwareer galay goobtii lagu soo dhoweyn lahaa Ra’iisul Wasaaraha.