Wararkii u dambeeyay shirka Afisyooni iyo Madaxda illaa hadda tagay.

Waxaa saaka lagu wadaa in xarunta Teendhada Afisyooni uu ka furmo shir aan rasmi aheyn oo ay yeelanayaan Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, waxaana shirkan uu hordhac u yahay shirka weyn ee soo socda.

Shirka maanta ayaa noqonaya kii u horreeyay ee ay yeeshaan dhammaan madaxda dowlad Goboleedyada oo wadajir ah, Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaarihiisa Rooble iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkii u dambeeyay ee Madaxweyne Farmaajo ka furay teendhada Afisyooni 22-kii bishii Maarso ayaa Maamulada Puntland iyo Jubbaland ka maqnaayeen oo ay qaadaceen.

Wararka ayaa sheegaya in shirka maanta oo ay soo qaban qaabisay Beesha Caalamka uu yahay mid looga hadlayo ajandaha shirka soo socda, isla markaana dhinacyada ay isu laab-xaarayaan, si shirka weyn uu jawi iyo is faham ugu bilowdo.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxweynaha Hirshabelle ayaa goobta illaa hada tagay, iyadoo la sugayo saddexda Madaxweyne dowlad goboleed.

Amniga shirka ayaa laga heshiiyay, waxaana hab maamuuska iyo shirkba isla sugaya koox amniga iyo hab maamuuska qaabilsan oo labada dhinac ka kala socota, sidoo kale AMISOM ayaa qeyb ka ah sugida amniga xarunta uu shirka ka dhacayo.