Wararkii u dambeeyay Xaalada Muqdisho iyo iska hor imaad ka socda agagaarka KM4

Xiisad ciidan ayaa saaka ka jirta magaalada Muqdisho, iyadoo la soo sheegayo rasaas ka dhaceysa agagaarka Isgoyska KM4, halkaasoo banaan bax ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Midowga Musharaxiin lagu rasaaseeyay.

Ciidamada dowladda ayaa xiray waddooyin badan, si ay uga hortagaan bannaan bax ah qorsheynayeen inay maanta dhigaan Musharaxiinta.

Gawaarida gaashaaman ee ay leeyihiin Ciidamada Gorgor ayaa lagu arkayaa Taalada  Daljirka Dahsoon iyo waddooyin kale.

Bannaan bax ay ka soo bilaabeen dhanka Hotelka Jazeera oo ay horkacayeen Musharaxiinta kala ah C/kariin Guuleed, Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaano ayaa rasaas ku bilaabatay markii ay ku soo dhowaadeen agagaarka Isgoyska KM4.

Kala carar ayaa durba goobta ka bilowday, iyadoo xaalad aan la qiyaasi karin ka bilaabatay goobta ay bannaan baxa socodka ka soo bilaabeen Musharaxiinta.

Xalay ayay aheyd markii Ciidamada dowladda iyo Ilaalada Musharaxiinta uu dagaal ku dhex maray agagaarka Hotelka ay degan yihiin Madaxweynayaashi hore oo ku dhow Taalada Daljirka Dahsoon.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeen dambe