Wararkii u danbeeyay aaska maanta loo sameynayo AUN Abwaan Hadraawi.

August 19 (Jowhar.com)-Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa aas qaran loogu sameyn doonaa Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo duhurnimadii shalay ku geeriyooday hoy uu kaga noolaa xarunta Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in aaska uu gelinka dambe ee maanta ka dhici doono Xabaalaha Baqiiq, iyadoo la filayo iney ka qeyb galaan kumanaan ruux oo isugu jiro mas’uuliyiin iyo shacab doonaya iney weyneeyaan marxuumka oo ahaa shaqsi bulshada dhexdeeda sumcad iyo magac ku leh.

AUN Abwaan Hadraawi oo 82 sano jir ahaa wuxuu u geeriyooday xanuun uu dhul yaal u noqday muddo dheer, wuxuuna ka mid ahaa tiirarka udub dhexaadka u ah Fanka iyo Suugaanta, isaga oo sameeyey Ruwaayado iyo heeso isugu jiro Waddani iyo Jaceyl.

Geerida Abwaanka oo bulshada oo dhan si isku mida uga naxday waxaa ka tacsiyadeeyay madaxda dowladda federaalka ee haatan, kuwo hore iyo madaxweynaha talada Somaliland haya ee Muuse Biixi Cabdi.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More