Wararkii u danbeeyay khasaaraha qarax ka dhacay magaalada Beledweyn

May 20 (Jowhar.com)- Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar Bam gacmeed loo adeegsaday oo xalay fiidkii lagu qaaday mid kamid ah xaafadaha magaalada Beledweyn, iyadoo weerarka uu dhaliyay khasaare.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, Bam-gacmeedka ayaa lagu tuuray Xafiis ay ku sugnayeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku yaala Xaafada Bundaweyn ee Magaalada Beledweyne, waxaana weerarkaasi bambaano ay dhaawacyo kasoo gaareen Askar, mas’uuliyiin iyo dad kale .

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in qaraxa ay ku dhaawacmeen Xoghayaha xaafadda buundaweyn ee uu weerarka ka dhacay, askari ilaalo u ahaa iyo qof shacab ah oo goobta marayay xiliga weerarka uu dhacayay.

Ciidamada amniga ee magaalada Beledweyn oo tagay goobta ayaa xalay ilaa saaka halkaasi ka wada howlgal balaaran, iyagoo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro badan oo looga shakisan yahah iney ku lug lahaayeen qaraxa, waxaana lagu sameynayaa baaritaano, iyadoo la sii deyn doono cidii wax danbi ah lagu waayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More