Wararkii u danbeeyay qaraxyo xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

August 05 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan laga maqlay qeybo kamid ah degmada Hodan ee bartamaha Caasimadda.

Wararka waxey sheegayaan in Qaraxyada oo midkood loo adeegsaday Mooto Bajaaj uu ka dhacay afaafka hore ee maqaaxida lagu magacaabo Fatxi oo ku taala nawaaxixiga laamiga Taleex.

Faah faahin badan lagama hayo cida lala eegtay qaraxyadan iyo khasaaraha ka dhashay, waxaa kaloo jirta cabsi ku aadan in aagaasi ay qaraxyo kale yaalaan.

Ciidamadda booliska ee degmada Hodan oo uu hoggaaminayo Taliye Xuseen Cadceed ayaa xirtay nawaaxiga goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana laga celinayaa dadweynaha iyo gaadiidka, iyadoo la dalbay ciidamadda Miina baarka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More