Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada Ethiopia

Ciidamada Milatariga dalka Ethiopia ayaa la wareegay garoon diyaaradeed ku yaal meel ku dhow magaalada Humera ee gobolka Tigray.

Dagaalo ka socday muddo toddobaad ah waqooyiga Ethiopia ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo isgaarsiinta ay ka go’an tahay gobolka Tigray.

Humera ayaa ku taal waqooyi galbeed dalka Ethiopia meel ku dhow xadka Sudan iyo Eritrea.waxayna ka mid tahay magaalooyinka waaweyn ee gobolka Tigray.

Maamulka Tigray ee dagaalka kula jira dowlada Ethiopia ayaa ku eedeeyay xukuumada Addis Abbaba inay duqeyn u geysatay dhul ay dad rayid ah degenaayeen.

Afhayeen u hadlay Maamulka Tigray ayaa sidoo kale sheegay in ay soo rideen mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Ethiopia balse wax cadeyn ah lama soo bandhigin.

Hoggaamiyaha gobolka Tigray ayaa ku eedeeyay Eritrea inay ciidamo ay soo dirtey ay ka soo gudbeen xadka ayna qeyb ka yihiin dagaalka u dhexeeya ciidamada dowlada Ethiopia iyo kuwa maamulka Tigray.

Hase yeeshee wasaarada arrimaha dibadda Eritrea ayaa beenisay eedeyntan iyadoo wasiirka arrimaha dibbadda Eritrea Osman Saleh uu ku tilmaamay dagaalka ka socda gudaha Ethiopia inuu yahay mid aysan ku lug lahayn.