Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Ethiopia

Wararka ka imanaya dalka Ethiopia ayaa sheegaya in uu sii xoogeysanayo khilaafka ka jira gobolka Tigray iyadoo la sheegay boqolaal ruux inay ku dhinteen khilaafkan.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay inuusan jirin in dagaal sokeeye uu ka dhacayo dalka Ethiopia.

Weriye ka tirsan wakaalada wararka ee Reuters oo gaaray gobolka Tirgray ayaa ku arkay gawaarida ciidamada oo ay saaran yihiin askar faro badan kuwaasoo ku sii jeeda gobolka Tigray.

Abiy Axmed ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ay duqeeyeen baqaaro hubka lagu keydin jirey,shaqaale hay’adaha samafalkana waxa ay sheegeen in dagaal culus uu dhulka ka dhacay.

Sarkaal ka tirsan ciidamada oo ku sugan dhulka Amxaarada ayaa u sheegay Reuters in iskahorimaad ka dhacay Kirakir oo ku dhow xadka kala qeybiya Tigray iyo Amxaarada ay ku dhinteen illaa shan boqol oo Tigray ah.

Wararka ayaa waxa kale oo ay intaa ku darayaan in ciidamada dowlada Ethiopia ee Federalka ay boqolaal askari uga dhinteen dagaal ka dhacay Dansha.

Ciidamada TPLF ee gobolka Tigray ayaa ah kuwo dagaalo badan hore u soo galay gaar ahaan intii u dhexeysa sanadihii 1998 illaa 2000 oo ahaa dagaalkii Ethiopia iyo Eritrea iyo weliba dagaaladii jabhadeynta ee xilka loogaga tuuray Mengistu Haile Mariam sanadkii 1991kii, waxaana lagu sheegay tirada ciidamadaa inay kor u dhaafayaan ilaa 250.000.