Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Ethiopia

Ciidanka federaalka Itoobiya ayaa dalka oo dhan ka ururinaya askar iyadoo uu sii socdo dagaalka ay xukuumadda Abiy Axmed kula jiro xooggaga gobolka Tigray.

Taliye kuxigeenka ciidamada Itoobiya, Jeneral Berhanu Jula, ayaa khiyaano qaran ku eedeeyay xooggaga daacadda u ah xisbiga haya talada gobolkaas ee Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

Hogaamiyaha Tigray, Debretsion Gebremicheal, ayaa sheegay in ciidankiisa ay dagaalka ka wadaan soohdinta uu gobolkaas la leeyahay kan ay deriska yihiin ee Amxaarada.
Xisbiga TPLF ayaa sanado badan awood xooggan ku lahaa hogaanka Itoobiya, balse awooddaas ayaa meesha ka baxday tan iyo markii uu xukunka la wareegay ra’iisal wasaare Abiy Axmed sanadkii 2018.

Ciidamo badan ayaa lagu daabulayaa gobolka Tigray si ay u xoojiyaan Taliska Waqooyi ee xaruntiisu tahay gobolkaas, sida uu sheegay Jeneral Berhanu Jula.

Ra’iisal wasaare Abiy ayaa laba farriin uu soo dhigay Twitter ku sheegay in hawlgalka uu noqon doono “mid xadidan” isla markaana uu yahay mid laga fursan waayay kadib bilooyin ay dowladdiisa ku dedaalaysay inay xiisadda ku xalliso qaab nabadeed.

Hogaamiyaha Tigray, Debretsion Gebremicheal ayaa sheegay in xooggagiisa ay la wareegeen “inta badan” hubka yaalla taliskaas.

Waa ay adagtahay in la ogaado heerka uu gaarsiisan yahay dagaalka u dhexeeya labada dhinac ama khasaaraha nafeed ee ka dhashay.

Sababta ugu weyn ayaa ah in khadadka telefoonnada iyo internet-ka laga jaray Tigray.
Debrestion ayaa Isniintii weriyayaasha u sheegay in xukuumadda Addis Ababa ay duulaan ku qaadi rabto gobolka Tigray, isagoo ku dooday in loo ciqaabayo doorashadii uu gobolkaas qabsaday.

Abiy ayaa dhankiisa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo dagaalka, waxaana uu ballanqaaday inuu macluumaadka shaacin doono marka la soo afjaro hawlgalka.

Debretsion ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin inay difaacdaan gobolkooda, isla markaana uu “xabaalo u noqon doono kuwa ku soo gardarooday”. Dadka odorosa xaaladda Itoobiya ayaa walaac ka muujiyay in colaaddan ay isu bedali karto dagaal sokeeye.

XIGASHO; BBCSOMALI