Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada dalka Maraykanka

Maalintii saddexaad ayey galeysaa tirinta codadka doorashadii madaxtinimada Mareykanka, walina si rasmi ah looma shaacin cida ku guuleysatey.

Madaxweyne Trump iyo ninka ay loolamayaan ee Joe Biden ayaa ilaa iyo hadda ku guuleystey goboladii la filaayey in ay ku guuleystaan si ay u helaan codadka ergada wax doorata ee mareykanka ee loo yaqaan electoral College, si musharax ugu guuleysto doorashada madaxtinimada waa inuu helaa 270 ka mida 538 ergo doorasho.

Joe Biden ayaa illaa iyo hadda u dhow guusha madaxtinimada dalka Maraykanka isagoo haysto 253 cod halka Trump uu ka haysto 213 cod.

Barasaabka gobolka Pennsylvania, Tom Wolf, ayaa sheegay in tirinta codadka gobolkaas ay sii socon doonto, inkastoo ay jiraan dadaal ay kooxda ololaha Trump ku hor istaagayaan tirinta.

Waxay sheegeen in Dimuqraaddiyiintu ay isku dayayaan inay afduubtaan codadka Pennsylvania. Ku xigeenka madaxa ololaha Trump Justin Clark ayaa sheegay in Dimuqraaddiyiintu ay isku dayayaan inay musuqmaasuqaan codadka Jamhuuriga. Si kastaba, ma jiraan warar sheegaya inay dhacday ku shubasho.

Dibadbaxyo ayaa ka socda magaalooyinka Mareykanka qaarkood, iyadoo xiisadda tirinta codadka gobollada lagu hardamayo ay sii kululaaneyso.

Booliiska magaalada Minneapolis ayaa xiray dad dibadbaxayay kaddib markii ilaa 200 oo qof oo mudaaharaad sameynayay ay xireen waddooyin waaweyn. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in kooxdaasi ay ka cabanayeen Donald Trump.

Magaalooyinka Portland iyo Oregon, ciidamada ammaanka ayaa la geeyay kaddib markii dibadbaxyada ka dhanka ah Trump ee lagu dalbanayo in la tiriyo cod walba ay isku beddeleen kuwo rabshado wata. Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in dadka qaar ay jebinayeen daaqadaha dukaamada.