Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada degmada Mahaday

Xaalada degmada Mahaday ee gobolka Sh/Dhexe ayaa degen caawa kadib markii gelinkii dambe ee maanta uu dagaal u dhexeeya ciidamada dowlada iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ku dhex maray.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa saacado kooban ku sugnaa gudaha magaalada Mahaday iyadoo ciidamada milatariga dowlada ay isaga baxeen magaalada halka qaarna ay gudaha u galeen saldhigga ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka Waqooyi ee degmada Mahaday.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in magaalada ay caawa degen tahay balse ay ka jirto cabsi la xiriirta in markale ay dib ugu soo laabtaan dagaalamayaasha Alshabaab.

Degmada Mahadaay oo qiyaastii 23Km u jirta magaalada Jowhar ayaa kamid aheyd deegaanada ay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Hir-shabeelle gacanta ku ahyeen, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakisha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Shabeellaha dhexe oo ay kaga hadlayaan dagaalka Al-shabaab ay kula wareegeen Mahadaay.