Wararkii ugu dambeeyay shaqaaqadii ka dhacday Aqalka Congresska Maraykanka

?????????????????????????????????????????????

Xaalada ayaa caadi ku soo laabatay Aqalka Congresska dalka Maraykanka kadib markii ay ciidamada ka saareen taageerayaashii Trump oo gudaha u galay Aqalka Congresska.

Haweeney ka mid ahayd taageerayasha Trump ayaa lagu diley halka dhowr kalana ay ku dhaawacmeen rasaas ka dhacday Aqalka.

Mudanayaasha labada gole ee Maraykanka ayaa dib u bilaabay kulankoodii iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in laga yaabo in awooda laga xayuubiyo Trump oo sikumeel gaar ah loogu wareejiyo ku xigeenkiisa Mike Pence.

Kulankan ayaa dib loogu bilaabay in lagu xaqiijiyo natiijada rasmiga ah ee doorashadii ka dhacday bishii november ee sanadkii hore.

Mudanayaal ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa soo jeediyay in bedelkii 25aad lagu sameeyo dastuurka Maraykanka.

Qaar kamid ah saraakiisha Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa lagu wadaa inay is casilaan.
Shirkadaha Twitter,Facebook iyo Youtube ayaa ka saaray qoraalo iyo muqaaladii uu soo dhigey Trump.

Twitterka ayaa 12 saacadood ka joojiyay Trump inuu qoraalo soo dhigo iyadoo uu caan ku yahay Trump soo dhigista twitterka qoraaladiisa.

Weerarka lagu qaaday Aqalka Congresska ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo sanadkii 1812kii