Wararkii ugu dambeeyay weerarkii lagu laayay Saraakiishii ciidanka ee Galgaduud

Waxaa isa soo taraya cambaareynta iyo tacsida weerarkii lagu laayay saraakiishii ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ee qeybta 21aad, ee Gobolka Galgaduud, kaddib markii shalay ay wadada u galeen maleeshiyo hubeysan.

Weerarkan oo ka dhacay agagaarka deegaanka Bali-howd oo ku taala inta u dhaxeysa Guriceel iyo Balanbale ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Guriceel Anas Cabdi Macalin ayaa xaqiijiyay in la helay labo sarkaal oo ka badbaaday weerarkaas, kuwaasoo shalay la’aa, kaddib markii ay howdka u baxsadeen.

Labada Sarkaal oo lagu magacaabo Gaashaanle Ceyrow Maxamed Warsame iyo Laba xidigle Qalbi Indho-taag.

Sidoo kale Sarkaal kale oo dhaawac ah ayaa isna dhaawiciisa la geeyay Guriceel, waxaana lagu magacaabaa Kabtan Suldaan Dirir Aadan.

Weerarka ayaa waxaa ka dambeeyay Maleeshiyo qaab beeleed u abaabulan.

Falkan ayaa waxaa cambaareeyay siyaasiyiin iyo xildhibaano, waxaana ay ku tilmaameen fal aad u fool xun oo waxashnimo ah in la dilo askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Saraakiisha la laayay ayaa waxay magacyadooda kala yihiin:-

1. Gaashaanle Cabdi Guuna Guune
2. Gaashaanle Dhagaqool Yuusuf
3. Gaashaanle Gaangul Xalane
4. Kabtan Saciid Xasan Faleey
5. Kabtam Shariif Cirro Maxamed
6. Laba-Xidigle Faarax Jaamac Colaad