Wararkii ugu dambeeyay xaalada Caafimaad ee Ciyaaryahanka Christian Eriksen

1,375

Xaalada Caafimaad ee ciyaaryahanka Christian Eriksen oo u dhashay dalka Denmark ayaa ka soo reyneysa kadib markii miyir beelay ciyaar xulka Denmark iyo Finland ku dhex maraysay garoonka Parken Stadium.

Hay’ada kubada cagta ee Denmark ayaa ku sheegtay Twitter Eriksen inuu ahaa Ericksen uu miyir qabo xaaladiisana ay soo wanaagsanaanayso uuna dadka la hadlayo.

Ciyaarta dhex maraysay labada xul ee ka tirsanayd tartanka koobka Euro 2020 ayaa la hakiyay balse markii dambe dib loo bilaabay.

Ericksen oo 29 jir ah una ciyaara kooxda Inter ee dalka Talyaaniga ayaa ahaa kabtanka xulka dalkiisa hase yeeshee ciyaarta oo dib loo bilaabay ayaa xulka Denmark loogaga badiyay 1-0 kadib markii ciyaarta dib loo bilaabay.