Shabaabkii ugu tirade badnaa oo isaga soo goostay Shabaab, iskana dhiibay Baydhabo

Jun. 05 (Jowhar.com)-Ciidamada ammaanka ayaa Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay kusoo bandhigay 10 xubnood oo  ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

xubnahan isa soo dhiibay ayaa si gaar ah uga tirsanaa kooxda Jabhadaha ay ku sheegaan, iyagoo noqonaya tiradii ugu badneyd ee hal mar iska soo dhiibta kooxda, iyadoo dhawaanahaanba ay aad usii kordhayeen dagaal yahanada iyo horjoogeyaasha ka soo baxaya garabka Shabaab.

Qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa ka sheekeeyay sababaha ay isaga soo bexeen kooxda, iyagoo saaxiibadooda kalena ugu yeeray iney isaga soo tagaan Shabaab.

Shalay ayay ahayd markii uu degmada Xarardheere iska soo dhiibay Maxamed Amiin oo Shabaab ka soo goostay, waxaana ay sheegeen in ay ka faaideysanayaan Cafiska Madaxweynaha Qaranka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More