Wararkii ugu dambeeyay xiisad caawa ka jirta magaalada Muqdisho

xamar

Xiisad colaadeed ayaa ka jirta caawa magaalada Muqdisho kadib markii Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq John uu dib ugu laabtay deegaanka Shiirkole ee degmada Hodon.

General Saadaq iyo gaadiid dagaal uu wato ayaa la sheegay inay ka gudbeen barta koontarool ee Wadada Jaayga, halkaasoo galabta ay dowladdu ciidan xoog leh geysay si ay u go’doomiso.

Wararka ayaa sheegaya inuu xoog ku gudbay oo ku tagay deegaanka Shiirkole oo ah xaafad ay reerkiisa u badan yihiin isla markaana ku habboon difaaca.

Ciidamo badan ayaa la soo dhigey gelinkii dambe ee maanta waddooyinka gala garoonka diyaaradaha iyadoo arintaasina uu ka dhashay shaki ah in markale ah dowladu qorsheyneyso weerar ay ku qaado general Saadaq.

Kala soco jowhar.com wararka ugu dambeeya ee magaalada Muqdisho.