Wararkii ugu dambeyay magaalada Guriceel

1,817

Ciidamada dowlada ayaa gudaha u galay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud kadib markii dhowr toddobaad ay halkaasi ku sugnaayeen ciidamada Ahlu sunna.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal aan xoog badneyd uu ka dhacay magaalada kahor inta aysan ciidamada dowlada gudaha u galin.

Hase yeeshee ciidamada Ahlu Sunna ayaa ku sugan gees ka mid ah magaalada iyadoo ay jirto cabsi la xiriirta in dib u bilaaban karo dagaal u dhexeeya labada dhinac.