Warbaahinta dowlada oo baahisay dhambaal tacsi ah uu u direy Farmaajo Suldaan geeriyooday

1,148

Warbaahinta Dowlada Federalka ayaa baahisay tacsi Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u diray qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Warbaahinta dowlada ayaan lagu soo daabicin wareegto uu soo saaray shalay Farmaajo taasoo uu ku magacaabay guddi baaritaan ku sameeya kiiska Ikraan Tahliil.

Xurgufta siyaasada ee ka dhexeysa madaxda sare ee dalka ayaa saameyn ku yeelatay warbaahinta qaranka oo wasaarada warfaafinta ay diiday in lagu daabaco wareegtoyinka uu soo saaro Farmaajo ee loo arkayo inaysan ahayn kuwo sharciga waafaqsan.

Hase yeeshee kulamada iyo dhambaalada tacsida ee Farmaajo uu diro ayaa laga oggol yahay warbaahinta qaranka.