Wariye Axmed CabdiNuur oo ku geeriyooday magaalada London

Alle ha u Naxariistee waxaa magaalada London ee dalka ingiriiska ku geeriyooday Axmed Cabdi Nuur oo ka mid ahaa wariyayaashii ugu magac dheeraa ee Afka Soomaaliga.

Axmed Cabdi Nuur ayaa ka mid ahaa wariyeyaashii ka soo shaqeeyey Radio Muqdisho sidoo kale waxaa uu ka soo shaqeeyey idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga.

Allaha u naxarisitee Weriye Axmed Cabdi Nuur ayaa ku dhashay magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud sanadkii 1955kii waxana uu waxbarashadiisii illaa heer jaamacadeed ku dhamaystey magaalada Muqdisho.

Axmed Cabdinuur, oo Soomaalidu ay si weyn magaciisa iyo codkiisaba u yaqaanneen ayaa u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19, sida ay xaqiijisay xaaskiisa.

Axmed Cabdinuur ayaa BBC-da ku soo biiray bishii June ee sanadkii 1996 wuxuuna noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee magaalada Muqdisho.

Horaantii sanadkii 2019-kii ayuu ka fariistay shaqada BBC Soomaali, maadaama ay laanta Afsoomaaliga barnaamijyadeedii London oo dhan u wareejisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Geerida Axmed Cabdinuur, isaga oo uga tacsiyadeeyay ehellada iyo saaxiibadii uu ka baxay.