Wasaarada Amniga oo fasaxday banaanbax berri ka dhacaya Muqdisho

684

Wasaarada Amniga ayaa fasaxday banaanbax lagu taageerayo ra’iisul wasaare Rooble oo la qorsheeyay inuu berri ka dhaco magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga oo ku taariikheysan 10-kii Bishaan ayaa waxaa lagu sheegay in banaanbaxa ay Wasaaradda ka codsadeen Golaha Bulshada Banaadir in hay’adaha amniga ay amnigooda sugaan inta ay banaanbaxa oo ay ku muujinayaan dareenkooda siyaasadeed iyo taageerida dardar gelinta doorashooyinka dalka.

Wasiirka Amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa faray Taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo Taliyaha Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir inay sugaan amniga bannaan baxayaasha. Sidoo kale qaban qaabiyeyaasha bannaan baxa ayuu ugu baaqay inay ka foggaadaan wax rabshado ah

Hase yeeshee waxaa banaanbaxa ku tilmaamay mid aan fasax looga haysan maamulka gobolka Banaadir oo ka digey in banaanbaxa uu dhaco.

Halkan ka aqriso qoraalka ka soo baxay Wasaarada Amniga.wasaarada amniga oo fasaxday banaanbax berri ka dhacaya muqdisho