Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo muddo 5 cisho u qabatay Diblomaasiyiinta ku sugan Nairobi

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa muddo 5 cisho u qabatay inay dalka ku soo galaan diblomaasiyiinta, u qeybsanayaasha, shaqaalaha hey’adda socdaalka ee ka howlgala Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu ku saxiixnaa Xoghayaha Joogtada Danjire Maxamed Cali Nuur ayaa lagu wargeliyay in muddo 5 cisho dalka ku soo xaroodaan dhammaan xubnaha ka howlgala Safaaradda Nairobi.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay  in maadaama dowladda Federaalka ay ku amartay muddo 7 cisho inay dalka uga baxaan diblomaasiyiinta Kenyanka, looga baahan yahay in mudadaas dalka ku soo galaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa 15-kii bishan xiriirka u jartay Kenya, kaddib markii ay ku eedeeysay inay faragelin ku heyso madax banaanida dalka.