Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Twitter-ka ka saartay Qoraalka dagaalka Itoobiya iyo Cawad oo beeniyay…

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ka saartay barteeda Twitter-ka qoraal ku saabsan walaac dowladda Soomaaliya ee dagaalka Itoobiya, ayna taageereyso midnimada dalka Itoobiya iyo in wada hadal saaxibtinimo leh lagu xaliyo dagaalka gudaha ee Itoobiya.

Hase ahaatee Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku caddeeyay in uusan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isla markaana war saxaafadeedka aanu aheyn mid matalaya aragtida dowladda Federaalka, sidaas darteedna aanu ansax aheyn.

Arrintan ayaa u muuqata culeys siyaasadeed oo ka yimid dowladda Itoobiya oo ku aadan qaabka dowladda Soomaaliya u dhigtay war saxaafadeedkeeda ku saabsan mowqifka nabadeed ee dagaalka Itoobiya.

FG: Sawirka 1aad qoraalkii Barta Twitterka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ka saartay iyo Sawirka 2aad Qoraalkii Twitterka Wasiirka Arrimaha Axmed Ciise Cawad