Wasaaradda Arrimaha gudaha Hirshabelle oo soo bandhigtay Qorshaha Adeegyada Hormarineed ee degmada Jowhar

Nov. 26 (Jowhar.com) -Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowladda HirShabelle ayaa maanta magaalada Jowhar ku qabatay Kulan weynaha Dhameystirka iyo dib- u milicsiga qaar kamid ah Mashaariicda hortebinta u leh Degmada Jowhar .

Kulankan oo ay kaso qeyb galeen xubno kamid ah labada Gole ee Dowladda , Maamulka Gobolka iyo Degmada , Hey’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa Maxalliga ee ka shaqeeyo Jowhar , Ururrada Bulshada Rayadka iyo marti sharaf kale aya lagu so bandhigay 24 mashruuc oo hortebin u leh Degmada Jowhar taasi oo hey’adaha Dowliga ah iyo Kuwa ka shaqeeyo Horumarinta loo jeediyay inay diiradda saaran kaddib wadatashiyo Bulsho oo lagu qabtay Magaalada Jowhar bilaha September iyo October ee 2022 oo ay taageereysay TIS Seddax ee USAID.

Agaasimaha Guud ee Wasaraadda Md Mohamed Kulmiye oo daah-furka kulan weynaha ka hadlay ayaa sheegay in arrintani ay muhiim u tahay in la isku xero qorshayaasha Dowliga ah ee horumarinta heer degmo iyo qorsha Howleedka hey’adaha si looga jawaabo baahiyada ka yimid Bulshada .

Masuuliyin ay kamid yahiin hogganka Ururrada Bulshada Rayadka , hey’adaha Mercy USAID, CHEFA, DRC, IMC, TIS3 , INTERSOM iyo hey’ado kale oo maxalli ah, Guddoomiyaha Degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sh/dhexe Maxamed Cabdi Sheekh ,Xidhibaanno iyo wasiirro ayaa ka hadlay kulanka iyaga oo sheegay in Howshaani ay muhiim u tahay Dadka deeganka loona baahanyahay in lo istaago sidii loo dhameystiri lahaa.

Waa markii ugu horeysay kulan noocan oo kale ah lagu qabtay magaalada Jowhar waxaana bulshada degmada Jowhar oo ah xarunta maamulka Hirshabelle ay dhowrayaan fulinta mashaariicda wax ku oolka ah ee la soo bandhigay maanta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More