Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay Kiisas cusub oo Covid-19

Muqdisho.(Jowhar.com):- Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee xogta COVID-19 ku sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay cudurka COVID-19 laga baaray 1176 ruux.

Warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee xogta COVID-19 ayaa lagu sheegay in la diiwaan geliyey 160 bukaan cusub oo la nool cudurka COVID-19 , taas oo ka dhigan in weli ay jirto khatarta uu dalkeena ku haayo cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in 24 saac ee la soo dhaafay ay 11 qof ay u dhimatay cudurka COVID-19 halka ay ka bogsadeen 65 qof.

Cudurka COVID-19 ayaa u muuqdo mid sii faafaya ayadoo ay jirto in bulshada Soomaaliyeed intooda badan aysan muujineyn taxadarka ka hortaga cudurka COVID-19 , wasaaradda caafimaadka ayaa wado dadaalo lagu wacyi gelinayo bulshada Soomaaliyeed.