Wasaaradda Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay Bulshada Rayidka

Wasaaradda Arrimaha dastuurka, Guddiga Lasocodka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa kulan wadatashi ah kula yeeshay magaalada Baydhabo bulshada rayidka.

Kulankan ayaa ujeedadiisu aheyd in la helo aragtida bulshada rayidka ee ku aadan qodobada dib u eegista lagu sameeyay.

Qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ayaa soo bandhigay aragtiyo kala duwan oo wax looga bedeli karo qodobada dastuurka ee weli ku socota dib u eegista.

Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in mar walba ay lagama maarmaan tahay in bulshada ay door ku yeeshaan qodobada dib u eegista dastuurka,  maadaama dastuurku yahay mid bulsho.

Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka ayaa dardar gelisay kulamada wadatashiyada ee la xiriira dib u eegista dastuurka, iyadoo la filayo in dhowaan la soo gabagabeeyo.