Wasiir Dubbe oo ka hadlay halka lagu qabanayo shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo ka hadlay maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in shirka uu xalay iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo uu ka dhacayo teendhada Afisiyooni ee ciidamada cirka.

Shirkan oo la qorsheeyay in la qabto 22ka bishan ayaa loogaga hadlayaa arrimaha doorashooyinka ayaa waxaa shirkan qaban qaabadiisa ku howlan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya sida uu sheegay Wasiir Dubbe.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay khilaaf ku saabsan halka shirka uu ka dhacayo iyadoo inta badan magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin madaxda maamul goboleedyada dalka.

Shirkiisa jaraa’id ayuu sidoo kale wasiir Dubbe uu ku sheegay in la bilaabayo tallaalka cudurka Covid 19 iyadoo macalimiinta dugsiyada laga talaali doono cudurka safmarka ah isla markaana muddo laba todobaad ah lagu kordhiyay xirnaashaha goobaha Waxbarashada oo horey laba isbuuc loogu xiray, sababo la xiriira cudurka halista ah ee COVID-19.