Wasiiradda Caafimaadka oo soo jeedisay in la soo rogo xayiraadaha duulimaadyada

Wasiiradda Caafimaadka ee Xukuumadda xilka heysa Fawziyo Abiikar ayaa sheegtay in xaalad aad u daran uu dalku galay oo ah faafitaanka cudurka Coronavirus oo fara ba’an ku haya Soomaaliya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay korortay tirada dhimashada iyo dadka bukaanada ah ee uu soo ridanayo.

Wasiirad Fawziyo ayaa sheegtay in sanadkii tagay uu qeyb weyn ka qaatay xakameynta Covid19 in guud ahana dalka xayiraado lagu soo rogay, sida dhaq dhaqaaqyada duulimaadyada.

Xakamaynta faafidda cudurka COVID19 ee sanadki tagay waxa qayb wayn ka qaatay xayiraado laguso rogay guud ahaan wadanka. Markale waxa aan so jeedinay in xayiraadihi lasoo rogo si looga hortago faafidda heerkeedu si kordhayo ee hadda aan arkayno”ayay tiri Fawziyo Abiikar.

Sidoo kale Wasiirada ayaa sheegtay in la sii wadi doono howlaha ka hortagga iyo xakameynta, iyadoo xusto inay ku kalsoon tahay in tallaalka uu bilowdo, si xaalada ay u u noqoto mid la xakameeyo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa kordhay tirada dadka laga helay cudurka Coronavirus, waxaana badatay geerida, illaa iyo hadda in ka badan labo boqol oo ruux ayaa la xaqiijiyay inay u dhinteen corona, inkastoo dadka qaar ay sheegayaan inay tirada intaas ka badan tahay.