Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiiradda Britain xoojinta iskaashiga.

August 18 (Jowhar.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay maanta oo Khamiis ahayd Caasimadda Muqdisho, Safiiradda Boqortooyada Midowday (UK) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Kate Foster OBE, oo booqasho sharafeed ugu timid.

Safiiradda Britain ayaa ugu hambalyaysay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda xilka loo magacaabay, iyada oo u rajaysay inuu ku guulaysto howlaha loo igmaday, waxa ayna ku nuux-nuuxsatay kaalinta UK ee ah saaxiib, isbahaysi, garab iyo taageere ee dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa waxaa la iskula eegay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo UK iyo siyaabaha lagu xoojin karo, laguna horumarin karo dhinac waliba oo ay ku jirto dano wadaagga.

wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya oo kala hadlay safiiradda britain xoojinta iskaashiga. wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya oo kala hadlay safiiradda britain xoojinta iskaashiga. wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya oo kala hadlay safiiradda britain xoojinta iskaashiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More