Wasiirka Arrimaha Dibbada oo ka qeybgalay shirka Ururka Iskaashiga Islaamka

290

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa magaalada Islamabaad ee dalka Baakistaan kaga qayb galay,Meertada 17-aad ee Shirka aan Caadiga ahayn ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka.

Shirkan ayaa looga hadlayey wax ka qabashada xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta dalka Afgaanistaan oo hataan meel qatar ah mareeyso tan iyo markii oow Mareykanka iyo xulufadiisa ka baxeen Dalka..

Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa muujiyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadka reer Afgaanistaan, isaga oo Ururka Iskaashiga Islaamka iyo guud ahaan Beesha Caalamka ugu baaqay in xal degdeg loo helo xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta Dalkaas.