Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya oo la kulmay sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Maraykanka

814

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane,Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa kulan wadahadal ah la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee dhinaca Arrimaha Afrika, haweeneyda lagu magacaabo Mary.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo la xiriiray xoojinta iskaashiga labada dal, sii ambaqaadidda horumarka laga gaaray dhinaca doorashooyinka dalka iyo qodobo kale oo khuseeya amniga gobolka.

Dhinaca kale,Dowladda Mareykanka ayaa mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay inay garab istaagto dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Iyadoo maanta la xusayo weerarkii argagixiso ee dhacay 14 Oct. 2017, ayaa dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ay gacan ka geysaneyso sidii loogahortagi lahaa xagjirnimada iyo Al-shabaab.