Wasiirka Arrimaha Difaaca iyo Gaashaandhigga Ireland oo booqasho uga bilaabatay Muqdisho

312

Wasiirka Wasaaradda difaaca iyo arrimaha dibedda dalka Ireland Simon Coveney, TD iyo xubno kale oo la socday ayaa maanta booqasho ku tegey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Xubnaha wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aden Cadde ku soo dhoweyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Maxamed Cabdirisaaq iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirka Gaashaandhigga iyo arrimaha dibedda Ireland ayaa si wadajir ah salaan ugu qaatay cutubyo ka tirsam Ciidanka xoogga Dalka oo u garaacay astamaha labada dowladood.

Wafdigan ka socday xukuumada Ireland ayaa wadahadalo la yeelan doono madaxda dalka iyagoo ka wadahadli doona sii xoojinta xiriirka labada dal.