Wasiirka Arrimaha Gudaha General Muqtaar oo gaaray Beledweyne

Wasiirka Wasaaaradda Arrimaha Gudaha iyo faderaalka ee xukuumada Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyn kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle.

Wafdiga wasiirka ayaa ujeedka ay u tageen Magaalada Beledweyne waxaa lagu sheegay xal ka gaarista khilaafka u dhexeeya maamulka cusub ee Hir-shabeelle iyo tabashada ay qabaan qaar kamid ah Bulshada gobolka Hiiraan oo uu kamid yahay Sarkaalka lagu Magacaabo Janeraal Abuukar Xuud oo maleeshiyaad ku heysta duleedka Magalada Beledweyne.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku sugan Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle iyo guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabelle.