Wasiirka Caafimaadka Jordan oo is casilay kadib markii bukaano ay u dhinteen Ogsijiin la’aan

Wasiirkii caafimaadka ee dalka Jordan Nathir Obeidat ayaa is casilay kadib markii qaar kamid ah bukaano uu soo ritey cudurka Covid 19 ay ugu dhinteen isbitaal ay dowladu maamusho ogsijiin la’aan.

Warbaahinta dowladda ayaa Sabtidii tabisay in ugu yaraan toddobo qof ay ugu dhinteen isbitaalka dowladda ee magaalada al-Salt, oo qiyaastii 20 kiiloomitir (13 mayl) waqooyiga uga beegan caasimadda Amman markii ogsijiintii ay ka dhamaatay.

Ra’iisal wasaaraha Jordan Bisher al-Khasawneh ayaa amar ku bixiyay in la baaro, halka King Abdullah II uu yimid isbitaalka si uu u dejiyo qoysaska careysan ee banaanka isbitaalka isugu soo baxay.

Boqorka ayaa cambaareeyay dhacdada, waxana uu amar ku bixiyay in agaasimaha isbitaalka shaqada laga joojiyo, sida uu sheegay TV-ga al-Mamlaka.

King Abdullah wuxuu yimid isbitaalka isagoo labisan dharka militariga kadib markii 7 qof ay ku dhinteen isbitaalka gobolka Amman sababo la xiriira oksijiin yari.

Muuqaalo fiidiyoow ah oo lagu faafiyay internetka, boqorka ayaa laga maqlay isagoo ku dhahaya agaasimaha isbitaalka: “Sidee wax noocan oo kale u dhici karaan Tani waa wax aan la aqbali karin. ”

Qiyaastii 150 ehelka bukaanka ayaa isugu soo baxay banaanka xarunta, oo ay ku hareereysnaayeen ciidamo badan oo boolis iyo nabad sugid isugu jira, kuwaasoo ka hor istaagay qoysasku inay galaan.

Wadanka Jordan oo ay ku nool yihiin illaa toban malyan oo ruux ayaa laga soo weriyey in dad gaaraya 385,533 uu soo ritey cudurka Covid 19 halka ay ugu dhinteen illaa 5,224 ruux.