Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed oo gaaray magaalada Baydhabo

Wafdi uu hogaaaminayo wasiirka Dastuurka dawladda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo ee Xarunta Goboka Bay.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soodhaweyay, Wasiiro, Xildhibaano Ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS, qaar ka mid ah Agaasimiyasha Wasaaradaha , iyo Mas’uuliyiin kale.

Muumino Shiikh Cumar oo ah gudoomiye ku xigeenka Guddiga Madax Bannaan ee Dastuurka oo qeyb ka ahayd wafdiga wasiirka ayaa ka mahadcelisay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey caasimadda KMG ee dawlad goboleedka Koofur Galbeed.

Wasiirka Dastuurka DFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xusay in socdaalkooda Baydhabo uu la xiriiro geedi socodka qabya-tirka Dastuurka, magaaladana ay ku qaban doonaan wadatashiyo la xiriira hawlaha dhammaystirka Dastuurka dalka.

Wafdiga ayaa la kulmi doona madaxda dawlad goboleedka Koofur Galbeed iyo bulshada si ay talooyin ugu biiriyaan geedi socodka dhammaystirka Dastuurka oo sanooyin soo socday.