Wasiirka difaaca Burkina Faso oo beeniyay in madaxweyne Kabore la xiray

Dowladda Burkina Faso ayaa sheegtay in ciidamadu aysan la wareegin talada dalkaas, kaddib markii rasaas la is weydaarsaday ay ka dhacday xeryo ciidan.

Rasaasta xeryaha la isku weydaarsaday ayaa waxaa ka mid ah laba xero oo ku yaalla magaalada caasimadda Ouagadougou, iyadoo ay sii kordhayso niyad-jabka ay dowladdu ka qabto ka-hortagga weerarrada ay geysanayaan kooxaha hubeysan.

Hub culus ayaa waaberigii Axadii laga maqlay k xerada Sangoule Lamizana, oo ay ku jiraan madaxda guud ee ciidamada iyo xabsiga maxaabiista ay ku jiraan askartii ku lug lahaa isku daygii afgambi ee fashilmay 2015.

Wariye ka tirsan Reuters ayaa sheegay inuu arkay askar cirka u ridaysa xerada dhexdeeda. Goobjooge ayaa sidoo kale sheegay in rasaas ay ka dhacday xero ciidan oo ku taal Kaya, oo qiyaastii 100km (62 mayl) dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Ouagadougou. Rasaas ayaa laga maqlay xero kale oo militari, Baby Sy, oo ku taal koonfurta caasimadda, iyo saldhig ciidamada cirka ah oo ku dhow garoonka diyaaradaha, sida ay sheegeen ilo-wareedyo militari.

Dowladda Burkina Faso ayaa xaqiijisay in rasaas laga maqlay qaar ka mid ah xeryaha ciidamada balse waxay beenisay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in ciidamadu ay la wareegeen awoodda.

Isagoo ka hadlayay telefishinka qaranka wasiirka gaashaandhigga, General Bathelemy Simpore, ayaa beeniyay wararka xanta ah ee sheegaya in madaxweyne Roch Marc Kabore la xiray, isaga oo intaa ku daray in sababta ka dambeysay rasaasta aysan weli cadeyn.

“Madaxda qaranka lama xirin, ma jirto hay’ad ka tirsan dalka oo loo hanjabay,” Simpore ayaa yiri. “Imika, ma garanayno ujeedadooda ama waxay dalbanayaan. Waxaan isku dayeynaa inaan la xiriirno,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in xasillooni ay ku soo laabatay xeryaha qaarkood.

Maamulka ayaa markii dambe ku dhawaaqay bandow habeennimo ah laga bilaabo 8pm (20:00 GMT) ilaa ogeysiis kale waxayna wasaaradda waxbarashadu sheegtay in iskuullada la xirayo Isniinta iyo Talaadada dalka oo dhan.

Dibad-baxayaasha oo la safan askarta gadoodsan ayaa dab qabadsiiyay xarunta xisbiga talada haya ee caasimadda, sida uu sheegay wariye AFP ka tirsan oo goobta ku sugan.

Dabka ayaa baabi’iyay dabaqa hoose ee dhismaha xisbiga People’s Movement for Progress (MPP), halkaas oo dibadbaxayaashu ay sidoo kale burburiyeen wejiga ka hor inta aysan ku kala eryin booliska oo ku riday sunta dadka ka ilmeysiisa.

Rabshadaha ayaa yimid maalin kadib markii ay isku dhaceen booliiska iyo dibad baxayaasha intii lagu jiray mudaaharaadyo looga soo horjeeday maamulka ku guuldaraystay in uu joojiyo rabshadaha ragaadiyay dalka ku yaal Galbeedka Afrika.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More