Weriye Macalimuu oo loo magacaabay Afhayeenka Xukuumada Federalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa muddo ayaa sanado kadib magacaabay Afhayeen ay yeelaneyso Xukuumada.

Wareegto kasoo baxday Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Afhayeenka Xukuumada federaalka loogu magacaabay Wariye hore Maxamed Ibraahim Macallimuu .

Afhayeenka Xukuumada ayaa hada ahaa Xoghayaha ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Fesoj , Macalimuu ayaa kasoo shaqeeyay Idaacada BBC iyo Warbaahino kale.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Rooble ayaa Maanta Maxamed Ibraahim Nuur u magacaabay inuu nqodo Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiskiisa, isla markaana waxaa uu bedelayaa Cabdirisaaq Caato.

Xoghayaha Joogtada Cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Ibraahim ayaa La-taliye u ahaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliyeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.