WFP oo balanqaad u sameysay ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

August 18 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Cuntada Adduunka, David Beasley iyo xubno ka tirsan hey’addiisa.

David Beasley, oo ah sarkaalkii ugu sarreeyay ee hey’adda ka socda oo soo booqda Soomaaliya – tan iyo markii abaartu billaabatay, ayaa ujeedada socdaalkiisa tahay sidii uu u xoojin lahaa hawlaha ay hey’adda WFP ka wadday dalka iyo sidii looga jawaabi lahaa cuno-yarida iyo abaaraha saameeyay shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi oo soo dhaweeyay wafdiga ayaa sheegay in booqashadooda ay ku soo beegantay xilli muhiim ah oo Xukuumadda Dan-Qaran ay u jiheysay xooggeeda gurmad degdeg ah oo loo sameeyo dadka Soomaaliyeed ee dhibaateeysan.

David Beasley ayaa kulanka ka sheegay in hey’addiisu ay diyaar u tahay la shaqeynta xukuumadda cusub iyo sidii loo dardargelin lahaa hawsha samafalka ee wax loogu qabanayo dadka dhibaateysan ee abaaruhu ay barakiciyeen.

wfp oo balanqaad u sameysay ra'iisul wasaare xamse cabdi barre. wfp oo balanqaad u sameysay ra'iisul wasaare xamse cabdi barre. wfp oo balanqaad u sameysay ra'iisul wasaare xamse cabdi barre.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More