William Ruto oo wasiirka Difaaca Kenya u magacaabay Aadan Barre Ducaale.

Sept. 27 (Jowhar.com)-Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya William Ruto, ayaa goordhow magacaabay Wasiirka cusub ee wasaarada Difaaca dalkaasi.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada, xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi Kenya.

Mr. Ducaale ayaa hore u soo noqday gudoomiyaha aqlabiyafa baarlamaanka Kenya, wuxuuna qeyb ka ahaa siyaasiyiintii sida weyn uga shaqeysay guusha uu doorashada Kenya ka soo hoyiyay madaxweyne William Ruto.

Wasiirka difaaca Kenya ee xilka laga qaaday Monica Juma ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay xilkaasi ku wareejiso Wasiirma cusub ee difaaca dalkaasi Kenya oo laga dhigay mid lamida Soomaalida dalkaasi xilalka ka heysa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More