Xaafado ka tirsan Muqdisho oo ka bilowday bannaan bax ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo

Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa saaka ka bilowday bannaan bax ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo, kaasoo ay sameynayaan taageerayaasha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Waxaa isugu soo baxay dad isugu jira rag iyo dumar oo dhalinyaro u badan, waxaana ay wataan boorar ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo iyo halku dhigyo kala duwan.

Dadka bannaan baxaya ayaa ku sugan Xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan, inkastoo aanu bannaan baxa aanu aheyn mid weyn, hadana waxaa la sheegayaa inuu bilow u yahay tiro bannaan baxyo ah oo laga qorsheynayo in laga sameeyo magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka dibad baxaya ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo, sida dooni meyno boob doorasho, kali talis iyo hadalo kale

Ciidamada Amniga ayaa saaka xiray waddooyinka qaar ee magaalada, si aanu ugu soo faafin bannaan baxa, ciidamada ayaa la geliyay heegan buuxa ah, tan iyo xalay ayaa ciidamo lagu daabulyay qaar ka mid ah waddooyinka Caasimadda.