Xaliimo Aadan oo Joojisay Xayaysiinta Dharka

Gabadha Soomaaliyeed ee ku caan baxday xayaysiinta dharka gaar ahaan xijaabka Xaliima Aadan ayaa shaacisay inay ka hartay tartannada fashion-ka, maadaama uu meel ka dhac ku yahay Diinta Islaamka.

Xaliimo Aadan oo iyadoo qaxooti ah ka tagtayxerada qaxootiga ee Kakuma dalka Kenya ayaa waxa ay hadda ku nooshahay dalka Maraykanka.

Farriimo ay soo dhigtay baraheeda Twitter iyo Instagram waxay ku sheegtay “inay nafteeda ku dhaliileyso xoogga ay saartay fursadda ay ka heshay fashion-ka, oo ay hilmaamtay waxa uu u horseedi karo,”

Xaliima oo kamid ah gabdhaha ugu horreeyay ee fashion-kooda ku soo bandhiga xijaab ayaa sheegtay in ku tagtay waddo lunsan, mararka qaarna aysanba salaadda tukan jirin.

Farriin kale oo ay soo dhigtay ayaa waxa ay uga hadashay inay garab la’aan ku heshay mihnaddaas, isla markaana aan fahan wanaagsan laga qabin dumarka xijaaban iyo dowrka ay ka qaadan karaan fashion-ka.

Xaliima ayaa sheegtay in hooyadeed ayay marar badan ka codsatay inay ka harto mihnaddaas, waxaana ay tilmaantay in “ugu dambeyn ay ku guulaysatay”.

“Hooyaday waxa ay sabab u tahay guulaha iyo farxadaha aan gaaray. Yoolkeyga cusub ayaa ah inaan farxaddeeda ka shaqeeyo,” ayay barteeda Twitter ku qortay.

Xaliima ayaa indhaha caalamka soo jiidatay markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban kasoo muuqatay majalladda Vogue.

Sidoo kale Xaliima waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaab xiran ka qeyb gashay tartanka gabadha ugu quruxda badan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.