Xasan Khayre oo ku baaqay In Heshiis Siyaasadeed Degdeg la gaaro ka hor 8-da February 2021

Candidate Hassan Ali Kheyre warns of disagreement over elections

Ra’iisul wasaarihii hore ee dowlada Soomaaliya, ahna Musharrax Madaxweyne Xasan Cali Khayre oo shaley ka hadlay dood uu soo qabanqaabiyay amachadka siyaasadda arrimaha dibadda dalka UK e Chatham House, ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu qarka u saaranyahay inuu galo xasilooni siyaasadeed, hadii ay dhamaato mudada xilka madaxweynaha iyada oo dalka aysan ka dhicin doorasho lagu heshiiyay. Wuxuuna sheegay in laamaha fulinta ee dowlada Soomaaliya uu mudo xileedkoodu ka haray maalmo kooban, halka laanta sharci dajintu ay mar horeba dhamaatay mudo xileedkoodu uu dhamaaday bil kahor.

Kheyre oo kamid ah musharaxiinta ugu cad-cad doorashada madaxtinimo ee wadanka ayaa dhanka kale hadalkiisa ku sheegay in dalka Soomaaliyeed uu u baahanyahay hoggaan awood u leh isu keenidda dadka iyo kartida dhallinyada, uga faa’iideya dalka, awoodeeya haweenka, dhisa hey’ado dowladeed, kuna dadaala bed-qabka dadka Soomaaliyeed, fahmana caqabadaha waaweyn ee dalka heysta, dowr weyna ka qaata baabi’inta kala qeyb-sanaanta ka dhex jirta Soomaalida dhexdeeda iyo tan kala dhexeysa wadamada gobalka, aduunyadana fahmi kara, maadaama Soomaalidu kaligeed ayan meel ka taagnaan karin dunidaan isu furan.

Dadka Soomaaliyeed ayuu xasuusiyay muhiimadda ay leedahay joogteynta guulihii laga gaaray labadii doorasho ee dalka ka dhacay sideedii sano ee ugu dambeeyay, waxuuna sheegay inkasta oo caqabado jireen in Soomaaliya ay ka dhici jireen doorashooyin loo arkayay inay si nabad ah oo ay aqbali karaan dhammaan saamileyda siyaasadda, awoodana si nabad ah la isugu wareejin jiray, waxuu nasiib darro ku tilmaamay in doorashada hadda loo wajahayo ay qatar gelinayso dhaqan siyaasadeedkii awood isku wareejinta dalke ee Soomaaliya ay uga horumartay wadamo badan oo Afrikaan.

Doorashadii Mareykanka dhawaan dhacday ayuu xusay in dhibaatadii ka dhalatay ay uga badbaadeen hey’adaha dowladeed ee u dhisan, hase yeeshee Soomaaliya ayan laheyn hey’ado dowladeed oo sal adag oo dimuquraaiadda ilaaliya, waxuuna intaas ku daray in maqnaanshaha hey’adahaas xooggan ay mararka qaar sababi karaan in dimuquraadiyadda la af-duubo, waxuuna rajeeyay inay dadka Soomaaliyeed ay qaataan dowrka hey’adahaas ayna dalka dhibaatada ka badbaadiyaan.

Heshiiskii September 17, 2020 ee arrimaha doorashada ayuu sheegay inuu ka socan waayay sida loo qorsheeyay dhaqan gelintiisa, waxuuna soo hadal qaaday in dhibaatooyinka ugu weyn ay ka taaganyihiin guddiga u badan shaqaalaha dowladda, ciidanka iyo taageerayaasha maamulka hadda jira, sida loo maamulayo kuraasta goballada waqooyi iyo arrimaha Gedo iyo Beledweyne ee salka ku haya fara-gelinta dowladda federaalka ay ku heyso hannaanka doorashada dalka. Dhaqan gelinta heshiiska September 17, iyo ka gudbista qalalaasha dastuuriga, ayuu sheegay inay u baahantahay hoggaan aan dantiisa iyo hamigiisa siyaasdeed uun aan ka shaqeyn ee danta qaranka ka fakara.

Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dalal badan oo u nugul sida dalkeenna ay sababsadeen doorasho si qaldan loo maamulay, isku day kasta oo salka ku haya boob doorashana uu sababi karo dhibaato ay adagtay in laga soo kabsado, doorasho kasta oo lagu shubtana laga dhaxli doono natiija ayan la isla ogoleyn iyo dowlad aan sharci aheyn.

Baarlamaanka oo laf-dhabar u ah dimuquraadiyadda dalka ayuu hoosta ka xarriiqay in waqtigiisu ku ekaa December 27, 2020, dalkeennuna hadda uu wajahayo qalalaase dastuuri ah sababo la xariira in mudda xileedka madaxweynaha ay ku egtahay February 08, 2021, wadada kaliya ee looga baaqsan karana ay tahay in la gaaro xal siyaasadeed deg deg ah. Waxuu soo jeediyay in la saxay qaladka dhacay oo wax laga barto si uusan usoo noqonna la dhiso hey’ado dowladeed oo dalka ilaaliya, soo jiita maal gashi, saldhigna u noqda Soomaaliya wax istarta, gobalka iyo guud ahaan caalamkana wax tar u leh.

Xasan Cali Khayre ayaa ka hadalay qaar kamid ah guulihii la gaaray intii uu xafiiska uu joogay, waxuuna sheegay in dib-u-heybtii dhaqaale ee uu sameeyay ay sababtay in Soomaaliya ay noqoto dalkii ugu dhaqsaha badnaa ee kasoo baxay shuruudaha deyn cafinta, sidoo kale dib-u-habeyntii amniga iyo shaaalaha dowladda si wanaagsan looga faa’iiday, dhallinyafrdo badan oo Soomaaliyeedna ay ku dhiiradeen inay isbedelka ka qeyb qaataan, hase yeeshee dhibaatooyinkii siyaasadeed ee lidxii bilood ee lasoo dhaafay ay dib u dhac ku keeneen dhammaan shaqooyinkii horumarinta qaranka.

Si dalku uu uga boxo xaaladda cakiran, waxuu soo jeediyay in maamulka bedeli doona maamulka hadda jira, inuu hortbin siiyo dib-u-dhiska hey’adaha dowladeed iyo abuuridda dhaqaale shaqeyna, si awood ugu yeelato bixinta adeegyada dadweynaha, sharciyadna ay uga hesho shacabka, maadama dowlad aan adeeg bixin ayan heli Karin taageeda dadkeeda.

Waxyaabaha hor tebinta u leh dalka ayuu sheegay inay kamid yihiin qota dheereynta federaaleynta dalka, midnimada dadka, dowladnimada oo dadka loo dhaweeyo, si dalka loo gaarsiiyo doorasho qor iyo cod ahna inay waajib tahay in dastuurka lagu dhammeystiro hannaan la wada aqbali kara oo loo dhanyahay, maadmaa Dhammeystirka dastuurka uu muhiim u yahay qabya tirka arrima badan oo isku xiran oo qabyo ahaa 12-kii sano ee lasoo dhaafay, sidoo kalana uu aasaas u noqonayo heykal dowladeed sal adag iyo abuuridda wadahadal siyaasdeed loo dhanyahay oo xal looga gaaro dhibaayooyinka xilliga dheer soo jiitamayay oo ay kamid tahay xal u helidda maqaamka caasimadda iyo hannaanka xisbiyada siyaasadeed.

Amniga iyo caddaaladda ayuu hoosta ka xariiqay inay muhiim u yihiin maamulka iyo madaxweynaha shaqada la wareegaya, uuna fahmo ineysan aheyn oo kali ah dhismaha ciidan xooggan iyo dib-u-habeyen caddaaladeed, hase yeeshee ay muhiim tahay dadaallo lagu xallinayo waxyaabaha saameynta ku leh amniga iyo xasiloonida oo ay ugu horreeyaan in dhallinyada loo abuuro fursado shaqo, hirgelinta garsoor dadku u simanyahay iyo xoojinta dowlad wanaagga iyo hagaajinta bixinta adeegyada dadweynaha.